Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Toogasho Ka Dhacday Dhisme Ku Yaalla Australia

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Australia)-Booliska dalka Australia ayaa sheegay in hal qof, dhowr kalena lagu dhawaca Toogasho Waaberigii hore ee saaka ka dhacay Dhismo lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda 2-aad ee ugu weyn Australia ee Melbourne.

TOOGASHO-AUSTRALIA.jpg

Toogashadaasi ayaa waxaa lagu dilay Ilaaliye dhinaca Ammaanka oo 37-jir ahaa, halka 4 kalena lagu dhaawacay, iyadoo mid ka mid ah oo 28-jir ah la sheegay inay xaalladiisa aad u liidato.

Boliska waxay tilmaameen in dabley wadatay gaari xawli ku socday ay geysteen Toogashadaasi oo ka dhacday duleedka Dhismo lagu caweeyo oo lagu magacaabo The Love Machine nightclub ee magaalladda Melbourne.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this