Deeq A. Posted April 14, 2019 Afgooye (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/ Hoose ayaa ku warramaya in xalay Ciidamada ammaanka ay howlgallo ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidanku ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo falalka amaan dari ee magaaladaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in Ciidamada ay guri guri u baarayeen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amnigu xireen inta uu howlgalku socday waddoooyinka soo gala degmadaasi, marka laga reebo waddada ka baxda magaalada Muqdisho. Illaaiyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan K/ Galbeed oo ku aadan howlgalladaasi. Maalmihii u dmabeyay ayaa waxaa gudaha Afgooye ka dhacayay dilal qorsheysan iyo weeraro mararka qaar ay ka fuliyaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites