Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallao qorsheysan oo laga sameeyay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/ Hoose ayaa ku warramaya in  xalay Ciidamada ammaanka ay howlgallo ka sameeyeen degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in Ciidanku ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo falalka amaan dari ee magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in Ciidamada ay guri guri u baarayeen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amnigu xireen inta uu howlgalku socday waddoooyinka soo gala degmadaasi, marka laga reebo waddada ka baxda magaalada Muqdisho.

Illaaiyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan K/ Galbeed oo ku aadan howlgalladaasi.

Maalmihii u dmabeyay ayaa waxaa gudaha Afgooye ka dhacayay dilal qorsheysan iyo weeraro mararka qaar ay ka fuliyaan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this