Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka arrimaha gargaarka oo maanta la soo xirayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shir u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirkan oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qabn qaabisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa ah, sidii loo caawin ahaa dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Mudane Xamsa Siciid Xamsa ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu soo xiro shirkaasi, islamarkaana laga soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabihii laga wada halay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this