Deeq A. Posted April 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo u warramayay Warbaahinta ayaa si kulul uga hadlay shaqaaqooyin Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ku dhex maray M/ Muqdisho. Taliye Ameeriko ayaa tilmaamay in saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga ay u xiran yihiin dhacdooyinkaasi, islamarkaana wax laga wey diin doono iska hor imaadyadaasi.. Sidoo kale waxa uu xusay in aysan u dulqaadan doonin in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ah oo ay masuul ka yihiin nabad galyadooda. Dhanka kale taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sii hadlayay ayaa digniin u diray ilaalada gaarka ah iyo mas’uuliyiinta dowladda. Waxaana uu carabka ku dhuftay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan Askartaasi,haddii ay jabiyaan sharciga. Hadalka Ameerico ayaa imaanaya, xilli labadii maalin ee la soo dhaafay Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS ay siyaabo kala duwan ugu dagaalameen M/ Muqdisho, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites