Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Mahad Salaad oo shaaciyay in ciidamo cusub oo aan la aqoon ay dhibaato ka wadaan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo cajiib ah ka keenay qaabka shacabka Soomaaliyeed ay ula shaqeyn karaan laamaha amaanka dalka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee dhaliilsan hanaanka xukuumadda Soomaaliya u shaqeyso ayaa su’aalo ka keenay sida dowladda Soomaaliya ay dooneyno inay taageero kaga hesho shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ciidamo cusub oo aan la aqoon cid ay ka amar qaataan inay dhibaato ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dilal u geysanaya dadka shacabka ah oo la doonayay inay amaankooda xaqiijiyaan.

Xildhibaan Mahad Salaad, ayaa sidoo sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay dhibaatooyin  badan kala kulmeen ciidamada amaanka iyo masuuliyiintooda, waxaana uu sheegay in shacabka dhibaato ku qabaan xernaanshaha waddooyinka.

Shacabka ayuu sheegay inaysan helin waddooyin ay adeegsadaan marka ay tagayaan goobahooda shaqada, xarumaha waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka, sidaasi oo ay tahayna laamaha amaanka shacabkaasi ay ka doonayaan inay la shaqeeyaan.

“Sidee Shacab aan isbitaal Tagi karin, oo iskuul aan tagi karin oo shaqo aan tagi karin, oo jidadkii soo galayay magaalada oo dhan meel kastaa dhagax iyo caro looga gooyay, sidee amni ugala shaqeyn karaan hay’adaha amniga, balse taasi ha la is weydiiyo”

“Waxaa intaas dheer amniga waxaa masuul ka ah hay’adaha amniga, Booliskii la yaqaanay ee sharciyada yaqaanay, ciidamo boolis ah oo cid ay ka amar qaataan aysan jirin lana aqoon, ayaa lagu soo daray, kuwaasi oo dhibaatada ka wada magaalada”ayuu yiri Mahad Salaad.

Ciidamada Booliska ee lagu daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay yihiin kuwo si toos ah u hoostaga taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banaadir, iyadoo marar badan ciidamadaasi ay isku dhaceen ciidamada Maletariga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this