Sign in to follow this  
Deeq A.

“Wadahadallo Furan Ayaan Diyaar U Ahay Haddii Mareykanka Uu Wax Ka Beddelo Qaabka….” Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pyongyang)-Hoggaamiyaha Kuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay inuu ka qayb galayo wadahadal seddexaad uu Donald Trump la yeesho balse waaxay taa suuragaleysaa ayuu yiri ‘haddii uu Mareykanka Aragtidiisa wax ka beddelo’.

Warbaahinta dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa hadalkaasi ka soo yeeray bahiyey maanta oo Sabti ah.

Wuxuuna Mr Kim uu ku baaqay si wadahadallada labada dhinac loo sii dardar geliyo “qodobba macquul ah” inuu la yimaaddo Mareykanka. Madaxweyne Donald Trump oo boggiisa Tweetarka kaga jawaabay hadalka Kim ayaa ammaan u soo jeediyey.

Labada hoggaamiye waxay marki ugu horreysay ay ku kulmeen Dalka Singapore sanadkii hore, inkasta oo kulanki labaad ee Hanoi ee dalka Veitnam ka dhacay uu fashilmay kaddib marki ay isku fahmi waayeen arrima la xidhiidha baab’inta hubka Niyukilarka.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay iney madaxda Kuuriyada waqooyi ay doonayaan in laga qaado cunaqabateynada dhaqaale ee saaran, iyaga oo aan xirin xaruunta Niyuukilarka ugu weyn, kulanki labaadna si cara leh u qaaddacay.

Hadalka ka soo yeeray Mr Kim ayaa yimid marki uu golaha guud ee dalkaasi ‘walaac aad u weyn’ uu ka muujiyey iney Mareykanka dhab ka tahay inuu xiriika Piyongyang uu la leeyahay wanaajiyo iyo inkale.

Balse ‘wuxuu ka dhawaajiyey inuu diyaar u yahay inuu doonayo inuu Mareykanka uu fursad wadahadal oo seddexaad siiyo.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi wuxuu sheegay inuu Mareykanka uu fursadda kulanka seddexaad uu u siinayo ilaa iyo dhammaadka sanadkan waa haddii ay hayaan qorshe kuaaddan in kulan seddexaad la yeesho.

Madaxweyne Trump wuxuu boggiisa Tweetarka uu ku qoray farriin ammaan ah oo uu ku sheegay ‘Inta uu Kim hoggaanka Kuuriyada waqooyi hayey inuu isbeddallo wanaagsan uu muujiyey uuna ugu hambalyeeynayo’.
Kim Dong-yup oo jaamacadda Kiyuungnam ee ku taalla Kuuriyada Koonfureed, wax ka dhigo oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu sheegay in loo baahan yahay Mareykanka oo keli ah halka ay Piyongyang wadahadalladeeda isku koobi lahayd iney raadiso wadda kale oo ay ku wanaajineyso xiriirka waddamada kale ee caalamka ay la aleedahay.

Hadalka Kim ayaa imanaya maalin un kaddib marka uu Mr Trump uu Washington wadahadal uu kula yeeshay Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya Moon Jae-in, wuxuuna tilmaamay suuragalnimada inuu wadahadallo kale uu la yeesho Mr Donald Trump.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this