Deeq A. Posted April 14, 2019 Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulankoodii shanaad oo qeyb ka ah Kalfadhida 5-aad ku leh xaruntooda magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa dibad joog ka ah Warbaahinta, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Xubnaha golaha shacabka ayaa su’aalo la xariira amniga wey diin doona wasiirada amniga, gaashaandhigga iyo taliyeyaasha Ciidamada dowladda oo maanta hortagaya golahaasi. Shalay xildhibaanada BFS oo kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Muqdisho ayaa dood adag ka yeeshay amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites