Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Muqdisho oo ‘afar qeyb loo kala qeybiyey’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujisay Xaaladda Magaalada Muqdisho oo aad usii xumaanaysa.

Fowsiyo ayaa xustay in Magaalada loo kala qeybiyay 4 qeybood, islamarkaana wali ay socdaan Qaraxyadda iyo dilalka ay geystaan Al-Shabaab ay ka gaysanayaan magaalada caasimadda ah.

Xildhibaanada waxa ay sheegtay in haween badan ay ku umuleen Wadooyinka ka dib markii loo diiday in ay maraan Wadooyinka Muqdisho, halka dad da’ ah oo aan socon karin kagu qasbayo inay lugeeyaan.

Waxay sheegtay in qorshihii dowladda ee ahaa inay magaalada soo gelineyso basas shacabka qaada, si aan loo dareemin culeeska xirnaanshaha waddooyinka, uu ahaa qorshe aan jirin oo aan la fulin.

Xildhibaanadda ayaa shaaca ka qadday inaan loo dulqaadin karin rafaadka ay marayaan shacabka, loona baahan yahay in la furo Wadooyinka si aan loo ciqaabin dadka Shacabka.

Hoos ka daawo xildhibaanadda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this