Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO oo taageero ka raadiyey beesha Mudulood kadib gefkiisa iyo oday sir badan kashifay (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taageero ka raadiyey odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood, kadib hadalkii gefka ahaa uu shalay ku weeraray dibad-baxayaal ka cabanayey dilalka ciidamada dowladda.

Farmaajo ayaa sheegay in banaanbaxayaasha ay ahaayeen rabshad wadayaal burburinaya hantida ganacsatada oo dhaawacay sharafka qarannimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku hoos jireen Al-Shabaab.

Kadib markii hadalkaas madaxweynaha ay carro xooggan ka dhalatay, ayaa madaxweynaha uu isugu yeeray odayaasha Mudulood ee dowladda ay lacagta siiso bil walba, oo ay ka mid ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Maxamuud Cali Ugaas, oo hadal u dhow kan madaxweynaha soo saaray.

Hase yeeshee ,waxaa kulankooda fashilay Wabar Socdaal Raage Wabar Cil-faaf oo ka mid ah duubabka dhaqanka Beesha Mudulood ee ka qeyb-galay kulankii Farmaajo isugu yeeray.

Farmaajo ayaa odayaasha ugu wacay inuu kala hadlayo xaaladda Muqdisho, hase yeeshee Wabar Socdaal Raage ayaa sheegay in markoo goobta la tagay uu taageero ka dalbaday isaga oo dareemay carrada ka dhalatay hadalkiisa.

Wabar Socdaal ayaa sheegay in markii uu ku dhiiraday inuu ka dhawaajiyo dhibka shacabka Muqdisho ay kala kulmaan ciidamada dowladda uu colaadin kala kulmay xubnihii ka qeyb galay kulankaas.

Hoos ka dhageyso Codka Wabar Socdaal

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/wabar-socdaal-raage-wabar-cilfaaf.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this