Sign in to follow this  
Deeq A.

Shan siyaasi oo saameyn ku leh Somalia kuwaas oo wax kusoo bartay Sudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Milatariga Suudaan ayaa shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel amaan ah lagu xiray madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan AlBashiir.

Militariga ayaa sheegay inuu AL-Bashiir dalkiisa ku wajihi doono Maxkamad isla markaasna aysan dhici doonin in loo dhoofiyo meel ka baxsan Suudaan.

Madaxweynihii hore ee Al-Bashiir ayaa si weyn usoo garab istaagay dadka Soomaaliyeed Xilligii ay dhacday Dowladdii Maxamed Siyaad Barre markaas oo uu u fidiyey Waxbarasho lacag la’aan ah iyo inuu u tababaro Booliska.

Haddaba waxaa warbixintaan kusoo qaadan doonaa Soomaalida wax kusoo baratay Dalka Suudaan ee hadda saameynta ku leh Siyaasadda Soomaaliya.

1) Maxamed Cumar Dalxa

Dalxa.jpg

Waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya muddana kasoo tirsanaa, sidoo kalana wuxuu ahaan jiray Fanaan Soomaaliya caan ka ah.

Wuxuu kamid ahaa Ardaydii wax kusoo bartay dalka Suudaan mudana halkaas ku noolaa.

2) Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa

Odawaa-2.jpg

Odawaa oo horey usoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha xilligii Xasan Shiikh Maxamuud isla markaasna hadda ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii wax kusoo bartay dalka Suudaan.

1992 ayuu waxbarashadiisa kusoo qaatay dalka Suudaan ka hor inta uusan kusoo laaban dalka Soomaaliya oo uusan kamid noqon siyaasiyiinta saameynta leh.

3) Axmed Macallin Fiqi

56157889_10156956187587319_2124625634482

Waa xubin ka tirsan Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya,  waana shakhsi saameyn xoog leh ku leh Siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna horey usoo noqday taliyaha ciidamada nabad sugidda.

Fiqi ayaa dalka Suudaan waxbarashadiisa kusoo qaatay intii uu dhaxeysay 1992 illaa 1998.

4) Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

CC-Shakuur.png

Kadib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kamid ahaa dadkii nasiibka u leh inay wax ku bartaan Dalka Suudaan.

Cabdiraxmaan oo hadda ah Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayey isku lood ahaayeen Shiikh Shariif Shiikh Axmed Sanadkii 1993.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayuu ka noqday Dowladdii uu hormuudka uhaa Saaxiibkiis Sheekh Shariif.

5) Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Shariif.jpg

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed oo horeyna usoo noqday hoggaamiyihii Maxkamadda Islaamiga ayaa kamid ah Dadka saameynta leh ee wax kusoo bartay Jaamacadaha ku yaal Dalka Suudaan sanadkii 1993.

Sheekh Shariif ayaa markii dambe kasoo tagay dalka Suudaan, wuxuuna Waxbarashiisa kusoo dhameystay dalka Liibiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this