Sign in to follow this  
Deeq A.

Madixii Hay’adda Ammaanka Iyo Sirdoonka Suudaan Oo Dalka Is-Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu is-casilay Madixii Hay’adda Qaranka ee Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalkaasi (NISSS), Salaax Cabdillaahi Maxamed Salaax oo lagu naanayso Saalax Goosh, kadib markii ay Dibadbaxayaasha cadaadis ku saareen si uu isku casilo.

MADIXII-SIRDOONKA-SUUDAAN-SAALAX-ABDULLA

Waxaa uu ahaan jirey Ninka 2-aad ee ugu saamaynta badan dalka Suudaan, marka laga soo taago Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir, waxaana Hay’adaasi lagu eedeeyey inay ku lug lahayd dilkii Dibadbaxyaashii codsanayey in la soo af-jaro Xukunka Milliteriga.

Waa mas’uulkii 2-aad ee xilka ka dega, iyadoo Jeneral Axmed Cawad Bin Coof uu xalay ka degay xilka Madaxa Golaaha KMG ee Milliteriga (TMC), kadib hal maalin kadib, markii uu xilkaasi qabtay, iyadoo ay Dibadbaxayaasha codsanayaan Isbedel Siyaasadeed oo Degdeg ah.

Wakaalladda Wararka Suufaan ee SUNA waxay maanta sheegtay inuu Madaxa Cusub ee Golaha KMG ee Milliteriga Suudaan, Jeneral Cabdifataax Cabdiraxmaan Al-burhaan waxa uu oggolaaday Is-casilaadda Madixii Sirdoonka dalkaasi, Saalax Gos.

Dhinaca kale, afhayeenka Boliska Suudaan, Haashim Cali ayaa sheegay in ugu yaraan 16 qof lagu dilay 20-kalena lagu dhawacay xabbado wiifto ah oo ku dhacday qaar ka mid ah Dibadbaxayaashii ee maalmihii iKhamiista iyo Jimcaha ku bannan baxaysay caasimadda dalkaasi ee Khartuum.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this