Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Oo Si Kulul Ugu Hanjabay Dadkii Maanta Dibad-baxa Ka Dhigay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay banaanbax ka dhacay maanta magaalada Muqdisho isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid aan sharci ahayn laguna burburinayo sharafka iyo sumcada Soomaaliya iyo hantida ganacsatada.

farmaajo-1.jpg

Madaxweynaha oo ka hadlayay degmadda Warta Nabadda ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan dad danley ah oo qabiileystayaal ah.

“Waxaan ognahay argagaxisadaa ku hoos jirta markii aan xoog uga adkaanay oo ciidamadu ay baacsanayaan ayay ku soo dhex dhuumanayaan,dowladani wadadii cadeyd ayay cagta saartay mana soo noqoneyso.”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo qudbadiisa ay ka muuqatay carro xoog leh.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa yimid saacado kadib markii dad banaanbaxayay ay magaalada Muqdisho ka dhigeen dibad bax ay ugaga soo horjeedaan dil loogeystey wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto bajaaj iyo abtigii.

Hase yeeshee dadka banaanbaxyaya ayaa waxaa si qabow ula hadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanaya iyadoo ciidamo badan wadooyinka la dhigey waxaana maanta lagu diley illaa 10 qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this