Sign in to follow this  
Deeq A.

Diblomaasiyiin Ajanabi ah oo ka dareen celiyay Safarro & Socdaallo ay ku yimaadeen Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Diblomaasiyiin Ajanabi ah oo ka dareen celiyay Safarro & Socdaallo ay ku yimaadeen Somaliland

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxa socdaal ku yimaada todobaad kasta dad tiro badan oo Ajnabi ah, kuwaasi oo u yimaada Somaliland arrimo shaqo iyo hawlo kala gadisan.

Hadaba dadkan ajnabiga ah ayaa intii ay ku sugnaayeen Somaliland ka dareen celiyey waxyaalihii ay ku arkeen, iyaga oo aragtiyahooda ku cabira amaanka iyo xasiloonida ka jirta dalkan aann la aqoonsan ee Somaliland, iyaga oo inta badana ku soo bandhiga arrimahaas Baraha bulshada ee Twitter-ku ka mid yahay.

Ugu horeyn Patrick Heinisch ayaa 5-tii bisha April 2019 ee todobaadkan qoraal uu soo bandhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxa uu ku yidhi “Markii aan booqday Hargeysa sanadkii la soo dhaafay, waxaan u baahday Fiisaha (Visa) Somaliland, Aniga oo sitay fiisaha Somalia. Tani waa mid aan la badali karin oo cadayn u ah in Somaliland Madax-banaan tahay, kana duwan tahay Somalia”.
thumbnail_patrick.png

Sidoo kale Chris Weigold oo u dashay dalka Ingiriiska oo isaguna socdaal ku yimid Somaliland isla 5-tii bishan April 2019, ayaa isaguna sheegay in uu hada soo gaadhay hoygiisa cusub, oo uu la yaabay Somaliland oo aad u qurux badan.
thumbnail_chris.pngDhinaca kale Tariq Abbasi oo isagana sitay Baasaaboor Diplomasi ah oo soo gaadhay Somaliland, ayaa barta Twitter-ka uu ku leeyahay ku qorey “Somaliland waa wadan si balaadhan u nabdoon iyo dad aad la dhacaysid”.

thumbnail_tariq.pngSi kastaba, tan iyo intii Somaliland ay ku dhawaaqday madax-banaanida, waxa sanadihii ugu dambeeyey soo kordhayey dalxiisayaasha aduunka ee socdaalka ku imanayey, si ay wax badan uga ogaadan Somaliland.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this