Deeq A. Posted April 11, 2019 Madaxweynihii Suudaan Cumar Albashiir ayaa la sheegayaa in xilka laga tuuray kadib 30 sano uu dalkaasi ka talinayey. Al-bashiir waa 75 jir, waxaa uu dalkaasi afgambi ku qabsaday 1989-kii, isna maanta afgambi ayaa looga qaaday. Sida ay qorayaan wakaaladaha wararka, waxaa socda wadahadal la xiriira cidda sii heyneyso xilka dalkaasi, waxaa kale oo la xiray dadkii la shaqeyn jiray Al-bashiir. Wararka soo kordha halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites