Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Xariga Ka Jaray Xafiisyo Cusub Oo Laga Hergeliyay Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta kaas oo si wanaagsan loo qalabeeyay.

070A9182-300x200.jpg

Cali Dhuux Maxamed oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed iminkana xafiiska wasaarada joogo mudo 2 bilood ayaa sheegay in maamulkiisa u si wanaagsan ula shaqeyndoono madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta saddex gobol ee Koonfur Galbeed ay gaarsiindoonaa homariminta kubbadda cagta  si dhalinyarada xirfada leh ee ku nool loogu faa’ideeyo xulka qaranka iyo kooxaha gudaha.

070A9153-300x200.jpg

-Bishii Lasoo dhaafay Maarso Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa socdaalkii ugu horeeyay sanada 2019 ku tagay magaalada Baydhabo,isagoo soo kormeeyay hanaanka ay u shaqeeyaan xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaarada isboortiga Koonfur Galbeed wuxuuna waqtikaa kasoo dhagaystay baahida jirta iyo fursadaha ay haystaan.

56444219_374224573304849_483346695838289

Abuukar Islaw oo xubin ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa sheegay in uu si weyn uu ugu faraxsan yahay horomarka ka socda Koonfur Galbeed xiriir ahaan ay ku kalsoon yihiin aqoonta iyo qibrada Wasiir Cali Dhuux,isagoo intaa ku daray in ay ka sugayaan wax qabada muuqda oo horomar u ah dhalinyarada Koonfur Galbeed oo aad u jecel isboortiga.

56764591_2340895025943467_65698649241120

Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) waxa uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed oo loo dhisidoono ilaa 12-koox,garsoorayaal iyo macalimiinta si hormarinta kubbadda cagta ay u gaarto dhamaan deegaanka maamulka.

56422379_2332010030352011_91367850537857

Garoonka kubbadd cagta DR Ayuub ee Baydhabo ayaa iminka waxaa ka socda dhimso balaaran waxaana dhameestirka wajiga labaad bishii lasoo dhaafay si wadajir u dhax dhigay xiriirka cagta,Wasaarada ciyaaraha iyo maamulka degmada Baydhabo waxaana la sheegay in loo dhisidoono qaab cari ah.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xafiisyada Laga Furay Magaalada Baydhabo

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xafiisyada Laga Furay Magaalada Baydhabo

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this