Deeq A. Posted April 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Askari ka tirsan Ciidamada dowladda saaka uu ka geystay Isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa loo geystay wade Mooto Bajaaj iyo Abtigiis oo xilligaasi la saarnaa mootada. Marxuuminta oo ahaa wiilal dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Deeq C/qaaadir Cabdullahi iyo Maxamed Sheekh Cali. Dhinaca kale dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilka labadaasi Qof ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka Muqdisho, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim ah. Intii uu socday dibadbaxan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen illaa 4 Qof, kuna dhaawacmeen 5 kale. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa kuwo lagu rasaaseeyay agagaarka Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqashiid, xilli ay saarnaayeen Mooto Bajaaj mareysay halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay dilalka ka dhanka ah wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ayaa ku soo badanayay degmooyinka G/ Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites