Deeq A. Posted April 13, 2019 Shanghai (SMN) – Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in gargaar bini’aadanimo ay soo dirtay dalka Soomaaliya oo qeybo ka mid ah ka jirto abaar iyo nafaqa darro baahsan. Markab sida dhowr tan oo bariisa iyo alaabo kale oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadka ku dhubaateysan gudaha Soomaaliya ayaa shalay kasoo baxay dekada Shanghai ee wadanka Shiinaha. Xukuumadd Beijing ayaa sheegtay in gargaarkan loogu talo galay inay ku yareyso baahida cunto yarida ee ka jirta Soomaaliya, waxaana gargaarkan uu soo gaari doonaa dalka todobaadyada soo socda. Deeqdan raashiinka ah ayaa waxay dowladda Shiinaha usoo marinysaa Soomaaliya hay’adda Qaramada Midoobey u qaabislan dhanka cuntada ee WFP. Kaalmada Shiinaha ayaa lagu wadaa in lagu caawiyo dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan haweenka iyo caruurta oo ay soo food saartey nafaqo darri iyo macluul. WFP ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 3.5 milyan oo qof ay u baahan yahiin gargaar bini’aadanimo gudaha dalka Soomaaliya, oo qeybo kamid ah laga soo sheegayo abaar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites