Deeq A. Posted April 13, 2019 Muqdisho (SMN) – Dowladda Denmark ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa 21 million oo dollar oo ay ugu talo gashay dib u dhiska dalka. War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Denmark ayaa lagu shaaciyay in lacagtan ay u soo marinayaan dowladda Soomaaliya Bangig Adduunka. Denmark ayaa dooneysa in dowladda Soomaaliya ka caawiso yareynta sabool-tinimada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, oo isbedello hadda ay ku sameynayso Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Bangig Adduunka ayaa soo dhaweeyay tallaabadan Denmark ay deeqda lacageed ku siinayso Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay muhiim u tahay hanaanka dib usoo kabashada dalka. Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka ay raadinayso in dalka laga cafiyo deyn lacageed oo dibadda looga leeyahay, taasoo ka badan 5 bilyan oo dollar. View the full article Share this post Link to post Share on other sites