Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo wax ka qabaneyso arrimaha bani’aadanimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, ayna ka qeyb galeen wasiiro heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ujeedka kulanka ayaa aheyd sidii la’isaga xog wareysan lahaa habka wax looga qaban karo xaaladaha bani’aadanimo ee haatan ka jira Soomaaliya.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xamsa Siciid Xamsa ayaa ugu horreyn daah-furay mashruuc ka kooban biyo dhaamin iyo raashin qeybin oo dhawaan wasaaradiisu ay ka bilaabi doonto guud ahaan dalka.

Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan wasiir ku xigeenka wasaaradda gargaarka ayaa sheegay in barnaamijakan muhiimadiisu ay tahay, sidii loo caawin lahaa dadka danta yar ee ku tabaaleysay gudaha dalka.

Dhinaca kale wasiir C/rashiid ayaa faah faahin ka bixiyay, sida loo maareynayo $32 milyan oo DFS ay ka heshay Bangiga Horumarinta Adduunka.

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka oo kaashaneysa maamul goboleedyada ayaa ballan qaaday in la dardar galin doono fulinta howlaha gargaar ee lagu wado in dhawaan laga fuliyo Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this