Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan sheegtay in kufsiga lagu khal-khalinayo xukuumadda Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Nimco-Caarshe.jpg?w=1000&ssl=1Xil. Nimco Cabdi Caarshe

Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe oo ka tirsan golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa sheegtay in kufsiga ku soo badanaya degaannada Puntland uu yahay mashruuc lagu khal-khalinayo xukuumadda cusub ee madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanka ayaa qoraal ay ku daabacday Facebook ku sheegtay, in kufsiga iyo dilka is wataa ay soo bilwodeen, bishii Jannaayo ee sannadkan 2019 oo ku began, markii la doortay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kufsiga Puntland ka socda Waa Mashruuc amniga iyo xukuumadda puntland lagu khalkhalinayo, dumarkana lagu cabsi galinayo. waxay arintaani bilaabantay Jan 2019 inkastoo kufsigu jiray hadana horay uma jirin kufssi dil wata” ayay tiri

Sidoo kale, waxay ku baaqday in si hoose loo baaro, arrimaha salka u ah kufsiga iyo dilka is wata ee ku soo badanaya degaannada Puntland “maaha arin laga aamusi karo waxay rabtaa in si hoose loo eego arintaan kufsi iyo dil waa arin laga argagaxo” ayey raacisay.

Nimco oo ah gabadha keliya ee ku jirta Baarlamanka Puntland, waxay xukuumadda ka dalbatay in si deg deg ah wax looga qabto kufsiga “Maaha arin laga aamusi karo maaha arin la eegan karo , maaha arin la sugi karo waa arin rabta dhaqso in wax looga qabto”.

Xildhibaanka ayaa su’aal ka keentay sababta ilaa iyo hadda sharciga loo horkeeni la’yahay dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii gabadhii yareyd ee Caa’isha Ilyaas loogu geystay magaalada Gaalcakyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Waa maxay arintii caasho ayaa weli jiitamaysa! maxaa dhacay oo cadaaladda loo horgayn waayey?  Maxay tahay dabashabeelintu? , waxaan leenahay aan aragno raggii Caasho kufsiga iyo dilka isugu daray iyadoo la xukumay oo weliba xukunka fulin loogu daro . Markaas ayaa laga nasanayaa arintaan” ayay tiri Nimco Caarshe.

Hadalka xildhibaanka aya ku soo beegmay, xilli laga war-sugayo natiijada ka soo baxda baaritaanka lagu hayo dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii, Caa’isha Ilyaas Aadan.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan sheegtay in kufsiga lagu khal-khalinayo xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this