Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland,  Jaamac Faarax Muuse ayaa magacaabay, xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo ka kooban 5 xubnood.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka, ayaa guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Puntland loogu magacaabay, Maxamed Cali Muuse, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay, Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax.

Mustafe Cabdiraxmaan Xassan ayaa isna loo magacaabay, madaxa Tartamada Xiriirka,  iyadoo Cabdixakiin Siciid Muuse loo magacaabay, madaxa Farsamada ee xiriirka, halka madaxa maaliyadda loo magacaabay, Xassan Barre Ducaale.

Halkaan ka akhriso dikreetada.

CIYAARADAH.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this