Deeq A. Posted April 13, 2019 Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Jaamac Faarax Muuse ayaa magacaabay, xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo ka kooban 5 xubnood. Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka, ayaa guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Puntland loogu magacaabay, Maxamed Cali Muuse, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay, Cabdiqani Cabdiraxmaan Faarax. Mustafe Cabdiraxmaan Xassan ayaa isna loo magacaabay, madaxa Tartamada Xiriirka, iyadoo Cabdixakiin Siciid Muuse loo magacaabay, madaxa Farsamada ee xiriirka, halka madaxa maaliyadda loo magacaabay, Xassan Barre Ducaale. Halkaan ka akhriso dikreetada. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo la magacaabay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites