Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo u hanjabay dadkii maanta dibad-baxa ka dhigay Muqdisho (Video)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hanjabaad u diray dhalinyaraddii maanta banaanbaxyadda ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo la hadlaayay Haween iyo Carruur la isku keenay  xarunta degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin wax banaanbax ah oo sharci daro ah, islamarkaana la doonaayo in lagu burburiyo dalka.

Waxa uu sheegay in banaanbaxayaasha ay ahaayeen rabshad wadayaal burburinaya hantida ganacsatada oo dhaawacay sharafka qarannimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku hoos jireen Al-Shabaab.

Waxaa uu digniin iyo Hanjabaad u diray dadka Banaanbaxyadda sameeya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo banaanbax samaynaysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Cidkaste oo dowladda kasoo horjeedda ay la dagaallami doonto.

Daawo Farmaajo

Caasimada Online
XafiiskaMuqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this