Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Shiinaha U Dhalatay Madaxweynaha Maraykanka Halis Galisay.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)Haweeney haysata laba baasaboor oo Shiineys ah iyo qalabka virus-ka kombiyuutaraadka ayaa lasoo sheegay in la xiray kadib markii ay gashay Mar-a-Lago club oo uu leeyahay madaxwayne Donald Trump.

479A987B-A26C-464E-A320-E5B2ACE4FF0E.jpe

Haweeneydan oo la yiraahdo , Yujing Zhang, oo ah 32-jir ah, ayaa u sheegtay kooxaha amniga in ay joogtay Florida club si ay u aado barkadda dabaasha , sida ku cad dacwada dembiga Maxkamada Degmada ee Maraykanka.

Waxaa la sheegay in caqabad ka haysatay xagga luuqada darteed in lagu fasaxay, islamarkaasna ay sheegtay in ay ehel la tahay qof ka shaqeeya goobtan uu madaxweynaha leeyahay, islamarkaasna u imaado dalxiiska had iyo goor.

Mudane Trump wuxuu ku sugnaa Palm Beach xiligii ay dhacaysay dhacdadan Sabtidii 30-ka Maarso.
Sida ku qoran galka dacwadda, haweenaydan ayaa ka been sheegtay sababta ay u gashay goobtan amnigeeda aadka loo illaaliyo xilli uu madaxweynaha ku sugnaa meesha.

Sida laga soo xigtay waraaqaha maxkamadda, markii ay soo gashay xerada Marwo Zhang waxay badashay hadalkeeda, iyada u sheegtay qofka fadhiyay miiska soo dhoweynta martida in ay u timid inay ka qayb gasho “Munaasabada Jimciyadda Quruumaha ee Shiinaha iyo Maraykanka”.

Soo dhaweeyaha , oo ogaa in uu jiray shir ceynkan ah , ayaa durbadiiba ka shakiyay haweenaydan.

Haweenaydan la tuhunsanaa ayaa la kaxeeyay si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo.

Waxa ay u sheegtay wakiilada in qof loo yaqaan “Charles”, oo ay asxaab ahaayeen uu u sheegay inay jirto munaasabad, tahayna in ay ka safarto safraan Shanghai, Shiinaha, ilaa Palm Beach si ay uga soo qayb galaan munaasabadda Qaramada Midoobay, laakiin uusan siinin wax faahfaahin dheeraad ah, sida laga soo xigtay waraaqaha maxkamadda.

Waxay sheegtay in “Charles” uu ku dhiirro-galiyay in ay isku daydo in ay la hadlaan xubin ka mid ah madaxweynaha qoyskiisa si ay ooga hadlaan arrimaha la xiriira dhaqaalaha Shiinaha iyo Maraykanka.

Sargaal ka tirsan sirdoonka Maraykanka Samuel Ivanovich ayaa sheegay in Marwo Zhang ay sidatay afar taleefoonada gacanta ah, kumbuyuutarka yar, qalabka macluumaadka lagu kaydiyo, oo ahaa mid lagu shubay barnaamijka halistiisa badanyahay ee kumbuyuutaraadka wax yeela ama xogaha looga xado ee virus-ka.

Balse in aysan wadanin dharkii dabaasha, maadaamaa ay horey u sheegtay in ay u socoto in ay soo dabaalato markii ay albaabka goobta dalxiiska soo gudbaysay.

Mudane Ivanovich wuxuu sheegay in Zhang ay “si xor ah oo aan dhib lahayn lagula hadlay” iyadoo af in ingiriisi loo adeegsaday, iyadunna si “adag oo xanaf leh ” ay ugula hadashay dadkii baarayay intii su’aalo weeydiinta ay socotay.

War saxaafadeed kasoo baxay sirdoonka Maraykanka ayaa lagu sheegay in aysan iyaga go’aan ka gaarin cidda lagu marti qaadayo goobtan Mar-a-Logo, taasina tahay mas’uuliyad shaqaalaha goobta ee martigalinta.

“Maareynta Mar-a-Lago ayaa go’aamiya xubnaha iyo martida loo oggol yahay inay galaan guriga.” Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Qareenka Marwo Zhang ayaa ilaa hadda diiday in faallo laga bixiyo arrinkaan.

Waxay ku sii jiri doontaa xabsiga illaa dacwadeeda laga dhageysanayo todobaadka soo socda.

Haddii dembi lagu helo, waxay wajihi kartaa ugu badnaan shan sano oo xabsi ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this