Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo la kulmay dhiggiisa dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Wasiiradda arrimaha dibadda Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa kulan ku yeesheen magaaladda Nairobi uga hadlay xiriirka labada dal oo ku dhawaad labo bilood mugdi ku jiray.

Monica Juma oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ay dhigeeda Soomaliya Axmed Ciise Cawad ku heshiiyeen in xiriirka diblomaasiyadeed dib loo soo celiyo.

Waxay sheegtay in labada dowladooda ay muujiyeen inay ka go’antahay dib usoo celinta safiiradii ay ukala yeerteen bishii February, kuwaasi oo shaqooyinkooda lagu soo celinayo.

Monica Jum ayaa tilmaantay in arrimaha sidoo kale kawada hadleen ay ku jirto walaaca ka dhashay Shirkii London lagu qabtey 7-dii February kaasoo Shirkadda Spectrum kusoo bandhigtay xogta shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Dowladda Keny ayaa shirkaasi kadib u yeertay Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho oo la tashi xaaladda soo cusboonaatay ugu kala yeelatay, waxayna dalkeeda kasoo saartey safiirkii Soomaaliya ee Nairobi.

Madaxweyne Farmajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bishii lasoo dhaafay Nairobi ku kulmay iyagoo heshiis ka gaarey khilaafka, islamarkana isku afgartay inay soo celiyeen xiriirka labada dal.

Kenya ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyadoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, oo mudo 10 sano ah dowladda Federaalka ka caawinaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this