Deeq A. Posted April 3, 2019 Jigjiga (SMN) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta gaarey magaaladda Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida halkaasi oo mudo saddex maamlood ah uu ka socday Shir muhiim ah oo looga hadlay isbedel lagu sameynayo xisbiga haya talada. Abi Axmed ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo xiritaanta Shirka 10aad ee Xisbiga kaasi oo laga bedelay magacii hore iyo astaantii uu lahaa, iyadoo laga saarey erayga Itoobiya. Xubnaha sare ee Xisbiga ayaa ka qeybgalay Shirka ka socda Jigjiga kaasii lagu dooranayo hogaanka gollaha dhexe iyo midka sare. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa loo doortay gudoomiye ku xigeenka Xisbiga SDP, maadaama uusan horey uga mid ahayn halka gudoomiye loo doortay Axmed Shide, oo sidoo kale ah Wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya. Abiy Axmed ayaa bogaadiyay isbedelada ka socda gobolka Soomaalida ay degto ee dalka Itoobiya, isagoo sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay inay taageerto rabitaanka shacabka ku nool dowlad degaanka, kuwaasoo mudo dheer kusoo jiray xukun kaligii talis ahaa. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa tan iyo markii la doortey sanadkii tagey sameeyay isbedel, isagoo horey u bedelay calanka islamarkaana xiray xabsi ku yaalla Jigjiga oo dadka lagu dhibaateyn jiray kaasoo tacadiyo badan ka dhaceen intii uu jiray maamulkiisa isaga ka horeeyay. Isbedelada ka socda Itoobiya, oo uu hormuud u yahay Abiy Axmed ayaa laga soo dhaweeyay gudaha dalkaasi iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa, oo hadda is socda is dhexgal iyo iskaashi dhaqaale oo ay wadaan dowladaha Eritrea, Soomaaliya iyo Itoobiya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites