Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 200 oo arday oo maanta ka qalin-jebiyay jaamacadda PSU faraceeda Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
7.jpg?w=1000&ssl=1Ardayda qalin-jebisay

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo ay ku qalin-jebinayeen 202 arday oo wax ka bartay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda PSU faraceeda Garoowe.

Munaasabadda qalin-jebinta waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinayey, guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse, mas’uuliyiin ka socdey wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maamulka Jaamacadda PSU, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf kale.

Guddoomiyaha jaamacadda PSU Pro. Maxamuud Sheikh Xaamid Maxamed oo ugu horrayn munaasabadda qalin-jebinta khudbad ka jeediyay ayaa u hambalyeeyay dhammaan ardayda ka baxay kulliyadaha kala duwan ee ay ka koobantahayjaamacadda, isagoo ku boorriyay in ay ka faa’idaystay fursadaha dahabiga ah ee horyaalla, maadaama ay ka dhisan yihiin dhinacyada aqoonta, islamarkaana ay yihiin dadkii wax u bartay bulshada ee u horseedi lahaa horumar iyo barwaaqo.

Wasiirk ku xigeenka waxbarashada dowladda Puntland,Mukhtaar Maxamuud Xassan oo markiisa hadalka qaatay, ayaa hambalyo kadib ardayda ku boorriyay, in ay shaqa-abuur iyo hindisayaal curis ah la yimaadan, si ay nolosha guul uga gaaraan, cilmiga ay barteenna uga faa’idaystaan, waxaana uu sheegay in dowladda Puntland mar walba ay garab taagantahay aqoon-yahannada dalka iyo dadka wax u bartay.

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa si weyn u bogaadiyay ardayda maanta qalin-jebisay, wuxuuna u mahadceliyay maamulka iyo macallimiinta jaamacadda PSU ee dadaalka iyo wakhtiga ku bixiyay kulliyadaha kala duwan ee cilmiga ardaydani barteen.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa u mahadceliyay waalidiinta u soo dhabar-adaygay in heerkan aqooneed soo gaarsiiyan ubadkooda,isagoo xusay in qaar kamid ah waalidiinta ay duruufo adag oo nololeed ka soo mareen barbaarinta iyo waxbaridda ubadkooda, si ay asaagood wax ula qeybsadaan.

Mudane Dhoobo oo hadalkiisa sii wata ayaa ku boorriyay hay’adaha dowliga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo guud ahaan ganacsatada Puntland in ay fursado shaqo u abuuraan dhalinyarada waxbaratay ee ay ku jiraan kuwa maanta ka qalin-jebiyay jaamacadda PSU.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan oo munaasabadda soo xiray ayaa ugu horayn hambalyo u diray maamulka Jaamacadda, waalidiinta iyo ardayda qalinjabinaysa oo ah dufcaddii 12-aad ee Jaamacadda ka baxda, waxaana uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galkeeda.

Sidoo kale, madaxweyne ku xigeenka ayaa ardayda ku dhiiri-geliyey inay waddankooda aaminaan, ka shaqaystaan, dadkooda ugu faa’iideeyaan aqoonta ay barteen, isagoo shacabka reer Puntland ugu baaqay inay xoogga saaraan aqoonta qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan midda sare, waxaana uu caddeeyay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay sidii guud ahaan waxbarashada loo horumarin lahaa.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino guddoonsiiyey, qaar kamida ardaydii qalin-jebisay iyo shakhsiyaad kale oo maamulka Jaamacaddu u gartay inay mudanyihiin, waxaana munaasabaddu ay ku soo idlaatay jawi farxadeed oo laga dheehanayay dadweynihii boqolaalka ahaa ee goobta joogay, kuwaas oo u hambalyaynayay ardayda qalin-jebisay.

Halkaan ka eeg sawirada

18.jpg?w=1000&ssl=1 7.jpg?w=1000&ssl=1 3.jpg?w=1000&ssl=1 1.jpg?w=1000&ssl=1 4.jpg?w=1000&ssl=1 9.jpg?w=1000&ssl=1 11.jpg?w=1000&ssl=1 12.jpg?w=1000&ssl=1 13.jpg?w=1000&ssl=1 15.jpg?w=1000&ssl=1 20.jpg?w=1000&ssl=1 18-1.jpg?w=1000&ssl=1 2.jpg?w=1000&ssl=1 17.jpg?w=1000&ssl=1 16.jpg?w=1000&ssl=1 Karaash.jpg?w=1000&ssl=1 6.jpg?w=1000&ssl=1 19.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post In ka badan 200 oo arday oo maanta ka qalin-jebiyay jaamacadda PSU faraceeda Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this