Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Muuqaallada gaari qaraxyo sida oo ku jira Muqdisho oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inay kordhiyeen baaritaanada la xiriira amniga ee ka socda Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxa ay sheegtay ciidamada ku sugan baraha baarista inay siiyeen qalab u fududeynaya inay ku baaraan gaadiidka, si uusan u imaan ciriiri dhanka wadooyinka ah.

Inta hawlgalada ay socdaan ayay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo saareen Miinooyin lagu aasay dhawr meel oo ay ka mid tahay Deegaanka Weydow ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayay uga digtay inay ka feejignaadaan Gaari PRADO TOYOTA ah oo Mintidiinta Al Shabaab ay ku soo rareen walxaha qarxa, kaasi oo la doonayo in lagu weeraro goobaha ay isugu yimaadaan shacabka.

Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada maalmahan ay hawlgal gaar ah ka wadaan Degmooyin bartilmaameed ah, iyaga oo adeegsanaya xogta sirdoonkooda.

Gawaarida yar yar ee raaxada ah ayay tilmaamtay inay u soo saari doonaan awaamiir ay ku maraan wadooyinka Magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka ay damacsan yihiin Argagixisada Al Shabaab.

Haweeneydan oo Taliye kuxigeen ka ah Booliska Soomaaliya ayaa maalinkeedii Saddexaad oo xiriir ah qabaneysa shir jaraa’id oo ay uga hadleyso hawlgalada ammaan ee ka socda Magaalada Muqdisho

Hoos ka daawo Zakiya oo arrintaas ka hadlaysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this