Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Lamaane Canadian ah oo aroos dhaqameed Soomaali cajiib ah ah ku dhigtay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Lammaane u dhashay dalka Canada ayaa xafladda arooskooda ku dhigay magaalada Hargeysa, waxaana baraha ay bulshada ku kulanto lays-la dhexmarayey sawiro muujinaya caruusadda oo xiran dharka dhaqanka ee ay Soomaalidu xirato xiliyadda arooska.

Hadaba waxaanu lamaanahaasi ka waraysanay sababta ay u doorteen inay arooskooda ku qabsadaan magaalada Hargeisa iyo sababta ay u xirteen dharka dhaqanka iyadoo Soomaalida intooda badan ay jecelyihiin in xiliga arooska ay xirtaan taashka.

Ibrahim Jaamac oo ka tirsan bahda BBC-da ayaa waraystay mid ka mid ah lammaanahan, waxa uuna weydiyeey sababta ay u doorten inay halkan xafladda ku samaystaan, waxa ayna ku jawaabtay.

“Haa aniga iyo ninkii aan u doodananaa waxaan go’aansanay inaan isguursano maxaa yeelay waxaan wada soconay muddo afar sanno, labo sano oo kamid ah afarta sano ee aan wada soconay waxaan ku noolaa magaalada Hargeisa dadka halkan joogana waxaan nahay saaxiibo waxa muhiim ii ahaa waa saxiibadeyda joga dalka Canada sidaasi darteed waxaan go’aansannay inaan halkan xaflad ku sameysano maxaa yeelay saxiibadeenna Somaliland oo aan imaan karin canada sidoo kale bisha July ayaa xaflad kale ku sameysanaynaa canada”.

Baraha bulshada Soomaalida ayaa waxa qabsaday hadal haynta arooskan iyo muuqaaladdooda oo aad u qurux badan, dharka hidaha iyo dhaqanka ayey lammaanahan ku labisteen arrintas oo ka yaabisay dad badan.

Caruusadda ayaa BBC-da u sheegtay sababta ay u dooratay inay ku labisato dharkan, waxayna tiri, “Waxaan u doortay dhaqanka Somaliga maxaa yeelay wuu qurux badanyahay aroosyada asxaabtayda ee aan tagayna waan ku arkay waana ka helay naqshadooda, wuu qurux badanyahay aad ayaana u jeclayahay dhaqanka Somalida”.

A1.jpg A2.jpg A3.jpg A4.jpg A5.jpg A6.jpg A7.jpg

Sources: BBC

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this