Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ku dhowaaqay inuu heshiis la galay madaxda dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib 10 maalmood oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu Muqdisho u tagay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka iyo mad madowga kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Waxa uu sheegay in booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra’iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo isla markana wada hadalo dheer oo la galay si fiican ay kusoo dhamaadeen laguna gaaray heshiis.

Waxaa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in booqashadiisu ay ahayd mid Tariikhi ah oo loo baahna dhamaan kulamadii dhacyna ay guul kusoo dhamaadeen.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhinacyada ay saaran tahay masuuliyad ah sidii wixii lagu balamay iyo heshiiskii la gaaray loo dhaqan galin lahaa. Si kastaba, Axmed Madoobe ma shaacin waxa uu yahay heshiiska la gaaray.

Kulamada Axmed Madoobe iyo madaxda DF aan marnaba si rasmi loo shaacin, marka laga reebo casho sharaf uu xalay u sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin safarkii Axmed Madoobe ee Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this