Deeq A. Posted April 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Kulankii labaad oo qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka ayaa maanta lagu qabtay xarunta golahaasi ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddoomiyey kulankan, iyadoon ay dhinac fadhiyeen labadiisa ku xigeen. Waxaa soo xaadiray 156 Mudane, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ajandaha kulankan ahaa dhageysiga hadal jeedinta afhayeenka Golaha Shacabka iyo warbixin la dhageystay guddiga Dastuurka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Intaasi kadib guddoomiye Mursal ayaa shaaciyay in Sabtida laga doodi doono xaaladda amniga dalka oo ay kol hore codsadeen xildhibaanada Golaha Shacabka. Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa amray guddiga isgaarsiinta in warbixin ay ka keenaaan Ciidamada Kenya dhibaatada ay ka geysteen gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. Ugu dambeyn xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa loo qeybiyay wax ka bedalida sharciga furdooyinka, hindise sharciyeedka maamulka daqliga iyo miisaaniyada 2019-ka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites