Deeq A. Posted April 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Iyadoo ay weli socdaan howlgallo Ciidamada dowlada ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose ayaa taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxa uu faah-faahin ka bixiyay dhaq dhaqaaqyadaasi iyo sida ay u socdaan, isaga oo tilmaamay in ay howlgalladani sii socon doonaan, inta Al Shabaab laga saaarayo goobaha ee ku sugan yihiin dalka . General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kale sheegay in ay jiraan qaraxyo lagu diyaarinayay goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen Ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan kuwa Xoogga dalka. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya, xilli Ciidamada dowladda la shaaciyay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose View the full article Share this post Link to post Share on other sites