Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa bilowday, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmadaasi, iyaga oo iska cabin xoogan kala kulmay Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee ku sugan halkaasi.

Al Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen Qansaxdheere, islamarkaana ay gubeen xarun hay’ad Samafal ay ku laheyd degmadaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Xiriiro aan la sameynaya qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo Ciidamada milatariga iyo kuwa K/ Galbeed ay ka bilaabeen halkaasi.

Dhinaca kale wararka ka imaanayo gobolka Baay ayaa ku warramaya in bartamaha Baydhabo maanta lagu dilay wiil Bajaajle ahaa oo ka howlgalayay magaaladaasi.

Dilka marxuumka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dambeeyay Askari ka tirsan Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Sarkaal ka tirsan maamulkaasi oo diiday in codkiisa loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa Shabelle u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Askarigii ka dmabeeyay dilkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this