Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo beenisay in khilaaf uu kala dhexeeyo AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa beenisay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Taliska AMISOM iyo ciidamada difaaca dalkaasi oo ku saabxan howlgalka dalka Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sii wadista taageeradda howlgalka midowga Africa ee AMISOM iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ababu Namwamba, oo ah xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa hoosta ka xariiqay in xasiloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay nabada iyo amniga gobolka Geeska Africa.

Sarkaalka ayaa hadalka ka sheegay shir Nairobi ay ku yeesheen taliyeyaal ka socda AMISOM iyo kuwa ciidamada dowladda Kenya kaasi oo looga hadlay howlgalka Soomaaliya iyo ka bixida ciidamada Midowga Africa.

Warka kasoo baxay Kenya ayaa yimid kadib markii maalmo kahor warbaahint dalkaasi ay sheegeen inuu jiro khilaaf ka dhashay k bixidii ciidamada Kenya ee degaanno ku yaalla gobolka Gedo, sida Busar iyo Faxfaxdhuun.

AMISOM ayaa walaac ka muujisay tallabadaas oo ku tilmaantay mid khatar ku ah howlgalkooda islamarkaana fursad u siinaysa Al-Shabaab inay dib ula wareegto goobihii laga saarey sanado kahor.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this