Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey deegaanada Shabaab laga saaray ee Sh/Hoose + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Danab ayaa howlgallo lagu baacsanayo maleeshiyada Al-Shabaab ka wada gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidammada dhulka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyey hawlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada inay yihiin kuwa dhibaatooyin Shabaab ay ka gaysan jireen.

Deeganada Ciidamada ay ku sugan yihiin, ayaa wuxuu sheegay Taliyaha inay ka jirto xaalad deganaansho ah, qorshahana uu yahay Ciidamada inay sii socdaan.

“Xaaladda waa caadi Shabaab meelihii dadka ay ku dhibaateyn jireen Sabiib & Baladul Amiin waa laga saaray oo dadka nabadgelyo ayeey dareemayaan, Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya waa ay sii socon doonaan.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada dhulka ee Militariga Soomaaliya.

Dhinaca kale ciidamada Danab, ayaa raashin qeybin ka wada deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose, oo lagala wareegay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaanan wali ka hadlay deeganadii ugu dambeeyay ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay ka qabsadeen, waxaana jirta Ciidanka wali inay wadaan dhaq dhaqaaq ay ku doonayaan inay ku gaaraan deegaano hor leh oo ka tirsan Shabellaha hoose.

Hawlgalkan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya Ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran & Ciidanka Militariga ee xoogga dalka.

1kow.jpg 3sedex.jpg 4afar.jpg 5shan.jpg 6lexaad.jpg 7todobo.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caaismada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this