Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Albaabada U Xidhaya Xarun Lagu Dilay 3,000 Oo Bisadood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Waaxda beeraha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay joojinayso xarun bisadaha lagu dilo oo cilmibaadhis loo adeegsado, ka dib markii ay bulshadu aad u dhaliishay arrintaas.

106278675_079e4920-0b42-42c6-9d01-790ba6

Bisadaha waawayn iyo kuwa dhasha ah ayaa la qali jiray si loogu adeegsado cilmibaadhis lagu samaynayo caabuq ama fayras inta badan bisadaha ku dhaca oo mararka qaar cuntooyinka lagu arko

Bisadahan ayaa lagu quudiyaa hilib xanuun lagu tallaalay iyo waxyaabo kale si loogu tijaabiyo.

Dhakaatiirta xayawaanka ayaa ku dooday in xannuunka bisadaha lagu tallaalo uu yahay mid la dawayn karo, sidaas darteedna loo baahan yahay in la daweeyo oo lagu wareejiyo dad xanaanaysta badalkii la dili lahaa.

In kabadan 3,000 oo bisadood ayaa la dilay tan iyo markii cilmibaaristan la billaabay 1982, WCWP oo u dooda xuquuqda ayaa sheegay in barnaamijka bisadaha lagu laayo ay ku baxdo 22 milyan oo doolar oo ka mid ah canshuurtii shacabka laga soo aruuriyay.

Bishii maarso ayay xildhibaannada Kongareska ee labada xisbi oo midaysan u codeeyeen in meesha laga saaro sharcigaas bisadaha lagu laayo, iyaga oo ugu yeeray “kawaanka bisadaha ee canshuur bixiyeyaasha”.

Jimmy Panetta oo ka mid xisbiga Dimuqraadiga aadna ugu ol’olaynayay in meesha laga saaro sharciga fasaxayay in bisadaha la laayo ayaa markii meesha laga saaray sheegay in arrintan ay muujinayso waxa ka suuragali kara siyaasadda.

Bisadaha hadda xaraysan ee dilka sugayay oo 14 ah ayaa lagu wareejin doonaa shaqaale ka tirsan wasaaradda beeraha ee dalka Maraykanka, si ay u xannaanaystaan.

Dadkii cilmibaarista samaynayay ayaa sheegay in ay kala bar yareeyeen halista xanuunka toxoplasmosis, kaas oo halis ku ah carruurta uurka ku jirta iyo dadka uu liito habka difaaca jirkooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this