Deeq A. Posted April 3, 2019 (SLT-Algeria)-Madaxweynaha Algeria Abdelaziz Bouteflika ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka madaxweynenimo, sidaasi waxaa islaamisay wakaaladda rasmiga ah ee wararka u faafisa dowlada Algeria. Ku dhawaaqistan ayaa ka danbeysay kaddib lix todobaad oo ay shacabka dalkaasi ku madaaharaadayeen guud ahaan dalka oo dhan, iyaga oo ku cadaadiyay in madaxweyne Boutiflika uu xilka isaga dago. Go’aanka uu xilka isaga casilay madaxweyne Abdulaziz Bouteflika ayaa soo gaba gabeeyay muddo 20 sano ah oo uu xakumayay waddankaasi dhaca waqooyiga Africa. Boqollaal ka mid ah shacabka ku nool caasimadda Algiers ayaa ku dabaaldagay wadooyinka. War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in mustaqbalka Algeria uu gacanta ugu jiro shacabka dalkaasi. Sida uu qabo dastuurka dalkaasi, afhayeenka baarlamaanka ayaa si kumeel gaar ah dalka u maamuli doono muddo 90 cisho ah, si loo diyaariyo doorasho ay shacabka kusoo doortaan hogaamiyahooda cusub. Source Share this post Link to post Share on other sites