Sign in to follow this  
Deeq A.

Qofkii 5-Aad Oo 4 Maalmood Gudahood Tooreey Lagu Dhaawacay Magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Booliska magaalada London waxay sheegeen in qofkii 5-aad muddo 4 maalmooda gudaheeda tooreey lala dhacay, isla markaana ay xaalladiisu liidato.

toorey.jpg

Weerarka shalay ayaa la sheegay in nin da’da 30-aadka ku jiray la dhaawacay, lana dhigay Cisbitaalka.

Sidoo kale, 4 Dhibane ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay lagu dhaawacay Tooreey Deegaanka Edmonton ee W/galbeed ee London.

Raysal wasaare Theresa May waxay ka qeyb gashay kulan looga xaajoonayey fal-dembiyeedka Tooreyda oo ku soo badanayo dalka Britain.

Tiro-koob rasmi ah ayaa muujinaya in 285 dhaawacyo Tooreey loo adeegsaday ay ka dhaceen England iyo Weelis sannadkii hore, waana heerkii ugu sarreeyey muddo ka badan 70 sanno.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this