Sign in to follow this  
Deeq A.

Daraasad Ka Digtay Cabista Shaaha Aadka U Kulul Iyo Dhibaatada Caafimaad Ee Uu Leeyahay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Waxa jira aad u tiro badan oo caadeystay cabista shaaha aadka u kulul waxaana marar fara badan aad arkaysaa dad ku odhanaya ma jecli haddii uu shaahu aanu aad u kululeyn.

264417Image1-1.jpg

Balse, deraasaddo kala duwan ayaa arrintaasi ka digtay, waxaanay deraasaddahaasi kala duwan ka digeen halista ka dhalan karta arrintaasi oo ah inay sababto Cancer-ka ku dhaca dhuunta amase cunaha.

Dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen dadka jecel cabista shaaha aadka u kulul inay in yar iska qaboojiyaan isla markaana ay cabaan isaga oo diiran.

Heer kulka shaaha aadka u kulul ayaa waxa lagu sheegay inuu yahay 60 derajo oo ah heerkul aad u sareeya ah, dhakhtar magaciisa la yidhaahdo Farhad Islami oo ka tirsan ururka la dagaalanka Cancer-ka ee dalkaasi Maraykanka waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka digaya, “Cabsita shaaha aadka u kulul waa arrin aad ugu badan Dunida waxa aanay kor u qaadaysa halista ah in dad badan ku dhaco dhibaatada Cancer-ka Cunaha”.

Sidaasi awgeed waxa habboon in dadka caba shaaha aadka u kulul ay hoos u dhigaan kuleylkaasi xad dhaafka isla markaana ay cabaan isaga oo diiran oo aan aad u kululayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this