Sign in to follow this  
Deeq A.

Cayaaraha Da’yarta Olombikada Zone 5 Oo Furmay Iyo Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galaysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed waxaa tartanka ku matalaya Xulalka qaranka kubadda Kolayga iyo ciyaaraha Fudud xidigaha Kubbadda kolyga ayaa ka qeyb galay tartanka 3×3,halka xidigaha ciyaaraha Fudud ay iyagana ka qeb galindoonaan orado kala gedisan waxaana sanadkan marta gelinaya dalka Ruwanda.

35402040_1928533283831598_77754578031031

Caasimadda dalka Rwanda ee Kigali waxaa si rasmi ah uga furmay cayaaraha Olombikada Da’yarta wadamada Zone 5 kaasoo ah tartankii ugu horeeyay oo ay dalalka Soonka shannaad ay Heer Olymipic u qabtaan sanada 2019.

56702211_2360234763994779_79979714344145

“Xulalka kala duwan ee dalkeena Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay tartamadda caalamka kasoo hooyeen guulo waaweyn oo oo horomar u horeesaday wadankeena waxayna arinta bundhig u noqotay in ciyaartooyda Soomaaliyeed loo muujiyo kal gaceyl iyo taageerinino yooleed taa madaxda isboortiga dalka waxa ay juhdi ku bixinayaan in lasoo celiyo sharafkii uu wadankeena kulaa caalamka”waxaa sidaas Waaxda Wafraafinta GOS u sheegay guddomiyahay Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolyaga Cabdullahi Nuur Maxamed (Cadaane)

IMG_263F46-40BE03-486316-97CCB0-5700D4-5

Tartankan waxaa ka qayb galaya 300 cayaaryahan oo ka kala socda 12 wadan waxayna ku loolami doonaan 39 biladood.

Tartanka oo socon doona muddo 5 cisho ah waxaa ka qayb galaya cayaartoyda da’ahaan dhalatay 1-di January 2001 iyo 1-di January 2003, waxayna ka socdaan Wadamada kala ah

56505423_1946196858841724_49300254553538

Somalia, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, Egypt, Eritrea, Uganda, South Sudan, Ethiopia, Sudan, martigeliyaasha tartanka Rwanda iyo Olombikada dalka faransiiska oo si marti ah kaga qayb galaysa.

55840558_1946197318841678_36628796734670

Xulka qaranka Kubadda Kolayga waxay kulankooda ugu horeeyay la ciyaari doonaan wadanka Koofurta Sudan kulan bilaaban doona 12:05 xilliga geeska Afrika.

Waaxda Wafraafinta GOS

 Info@nocsom.com

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this