Deeq A. Posted April 3, 2019 Cadaado (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Galmudug garabka lagu doortay magaalada Cadado ee gobolka Galgaduud Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto) ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyinka Ciidamada Kenya ay ka geystaan gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya. Ugu horreyn Axmed Baasto ayaa sheegay in Galmudug ay aad uga xun tahay burburinta hantida Ummadda Soomaaliyeed ay ku heyso dowladda Kenya iyo tallaabooyinka foosha xun ee Ciidamadeeda ku gubayaan xarumaha shirkadda Hormuud ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka. Sidoo kale waxa uu xusay in duqeynta Ciidamada Kenya ay ku duminayaan xarumaha ganacsi shirkadaha Soomaaliyeed ay tahay mid ka hor imaaneyso xuquul insaanka, xeerka ganacsiga iyosharciga darisnimada Soomaaliya iyo Kenya. Ugu dambeyn warkan ka soo baxay Galmudug ayaa loogu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in aysan indhaha ka fiirsan dhibtaada joogtada ah ee ay Ciidamada Kenya ku burburinayaan xarumaha shirkadaha waa weyn ee ay ku tiirsan yihiin guud ahaan nolosha bulshada Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites