Deeq A. Posted April 3, 2019 Jigjiga (SMN) – Wakaaladda wararka dalka Itoobiya ayaa sheegtay in la bedelay magacii iyo astaantii Xisbiga haya talada dowlad degaanka Soomaaliya markii ugu horreysay, kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cabdi Maxamed Cumar sanadkii tagey. Magaca cusub ee xisbiga ayaa laga dhigay Xisbiga dimuqraadiga Soomaalida, halka uu horey u ahaan jiray SPDP, iyadoo sidoo kale wax laga bedelay qaab dhismeedka xisbigan. Kulan ayaa maalintii 3-aad uga socda xubnaha xisbiga magaaladda Jigjiga kaas oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Axmed Shide oo hadda hoggaamiya xisbiga, isagoo sidoo kalena ah wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya. Shirka 10-aad ee Xisbiga ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maanta oo Arbaco ah, iyadoo la dooran doono guddoomiye cusub iyo ku xigeenkiisa oo la filayo in uu noqdo Mutafe Cagjar. Hoggaanka ugu dambeyn ka soo bixi doona iyo qorshayaasha shirka lagu ansixin doono ayaa ah kuwa lagu wajihi doono doorashooyinka sanadka dambe ka dhici doono Itoobiya, xilli loolan adag ay dhankooda soo bandhigi doonaan xisbiyada mucaaradka ah, sida ONLF oo isu soo baxyo iyo wax olole doorashooyin u eg ka wada guud ahaan deegaanka. Waxay noqonaysaa markii 1-aad oo xisbiga tallada haya uu la kulmo loolan muddo dheer, kadib markii isbadal uu ka dhacay dalka Itoobiya, lana fur furey siyaasadda dalkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites