Deeq A. Posted April 3, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan ay ku yeeshaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in khubad dhinacyo badan taabaneyso uu xildhibaanada u jeediyo guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageysan doona guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya. Labadii kulan ee la soo dhaafay ayaa baaqday, kadib markii uu buuxsami waayay kooramka loogu talagalay in uu ku furmo fadhiga Golaha Shacabka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites