Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo waddo furis ah oo ka bilaabanaya K/ Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (SMN) – Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan qorshe guud oo dib loogu furayo waddooyinka go’doonsan ee gobolkaasi.

Guddoomiye Najax ayaa xusay in xaaladaha adag ee ka jira gobolka Sh/ Hoose ay bulshada u horseedeen dhibaatooyin dhinaca nolosha ah.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay guddoomiyuhu deegaano hor leh oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al Shabaab.

Waxaana uu cod dheer ku sheegay in la joogo xilligii Al Shabaab lagu qadaa lahaa dagaallo saf mareen ah, si looga saaro guu ahaan dalka.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Soofe-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this