Deeq A. Posted April 3, 2019 Afgooye (SMN) – Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan qorshe guud oo dib loogu furayo waddooyinka go’doonsan ee gobolkaasi. Guddoomiye Najax ayaa xusay in xaaladaha adag ee ka jira gobolka Sh/ Hoose ay bulshada u horseedeen dhibaatooyin dhinaca nolosha ah. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay guddoomiyuhu deegaano hor leh oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al Shabaab. Waxaana uu cod dheer ku sheegay in la joogo xilligii Al Shabaab lagu qadaa lahaa dagaallo saf mareen ah, si looga saaro guu ahaan dalka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Soofe-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites