Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kulan xasaasi ah oo xalay dhacay iyo ciidamo badan oo ku biiray difaaca Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo saraakiisha beesha Abgaal ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli ay xiisad ka dhex oogan tahay dowladda iyo Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay go’aan kasoo baxay dowladda oo lagu amray in la isaga guuro xerada Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya, oo uu degan yahay Muuse Suudi.

Xaajiga ayaa waxaa dhulkan siiyey dowladdihii hore, isla markaana waxa sida uu sheegay uu haystaa Document ay u saxiixeen Madaxdii hore ee dalka, maadaama horay dowladdii C/llaahi Yuusuf uu ugu wareejiyay hubkiisa, looguna bedelay xarunta uu dgean yahay.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Kulanka xalay oo aan loo kala harin ayaa lagu go’aamiyey in wafti kale loo diray dowladda looguna sheego in Muuse Suudi uu xaq u leeyahay dhulkan, islamarkaana dowladda ay ka laabato damaceeda ah inay xoog isku daydo.

Kulanka ayaa ka dambeeyey kulan horey u dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo wafti ka socday beesha Abgaal, oo madaxweynaha uu ka codsaday inay Xaajiga qanciyaan.

Waxaa kulanka xalay sidoo kale lagu go’aamiyey in dowladda loo sheego in dhib kasta oo ka dhasha arrintan ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan.

Dhinaca kale, ciidamo badan iyo gawaari dagaal oo tiro badan ayaa ku qul-qulaya halka uu degan yahay Xaaji Muuse, si ay uga difaacaan gardarrada ay sheegeen inay dowladda kusoo maagtay.

Inkasta oo aan la hayn tirada rasmiga ah ee ciidamadan, haddana waxaa la sheegay inay kor u dhaafayaan ilaa shan boqol oo askari. Waxaa ciidankan hoggaaminaya jeneraalo iyo korneylo sare oo caan ah oo sheegay inay Muuse ka difaaci doonaan gar-darrada dowladda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda oo markii hore rumeysneyd inay si fudud ku kicin karto Muuse ay hadda garwaaqsatay in xaaladda ay ka adag tahay sidii hore, lagana yaabo inay raadiso xal kale, sida inay tanaasusho ama Muuse lacag malaayin dollar ah ka siiso dhulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this