Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo Shuruud kumanaan doolar ah ku xiray Furitaanka waddooyinka go’doonsan ee KG

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Sida ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho kulan ayaa deegaanka Buulo Fuulaay ee gobolka Baay ku dhexmaray odayaasha dhaqanka deegaanada Koofur Galbeed iyo xubno ka tirsan Al Shabaab.

Kulanka ka dhacay deegaanka Buulo Fuulaay ayaa la sheegay in looga hadlayay go’doonka ay ku jiraan deegaanada maamulka Koofur Galbeed iyo sidii loo  furi lahaa waddooyinka Al Shabaab ay go’doomiyeen.

Dadka deegaanka iyo odayaal kulanka ka qeyb galay ayay laga soo xigtay in kulanka kadib sharuudo adag la hor dhigay odayaasha dhaqanka ee la kulmay madaxda Al Shabaab, waxaana lagu wargeliyay inay bixiyaan dhaqaalo gaaraya 30 Kun oo Doolar, sida Idaacadda ay baahisay.

Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay ku wargeliyeen madaxda ay la kulmeen inay beelahooda kula laabanayaan lacagta loosoo bandhigay, balse la isku fahmay in Al Shabaab aysan sii go’doomin deegaanada maamulka Koofur Galbeed.

Al Shabaab ayaa go’doomiyay degmooyinka Diinsoor, Qansax dheer, Waajid iyo deegaano kale oo ka tirsan Baay iyo Bakool, waxaana culees badan dareemay dadka deegaanadaasi ku sugan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka socdo dowladda Ethiopia ayaa ku sugan deegaanada qaar oo Al Shabaab ay go’doomiyeen.

Dadka deegaanka ayaa raashiinka waxaa loogu geeyaa diyaarado iyo gaari dameero oo haddii Al Shabaab ay arkaan la sheegay inay raashiinka gubaan, waxaana taasi ay culees ku noqotay dadka deegaanka.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan inay sharuudaasi lacageed ku xireen furitaanka waddooyinka ay go’doomiyeen ee ku yaala deegaanada Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this