Sign in to follow this  
Deeq A.

“Deegaanka SABIIB Al Shabaab ayuu muhiim u ahaa balse hadda ayay go’doon galayaan”..

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ayaa war kasoo saaray Howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Howlgaladaasi ayaa waxaa ciidamada isku dhafka ah ay kaga saareen Al Shabaab deegaano dhowr ah oo katirsan Shabeelaha Hoose, waxaana ka mid ah deegaanka Sabiid oo Shalay ciidamada amaanka ay ku qabteen booyad lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa.

Madaxa ciidamada AMISOM ahna wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka ahaa qorshaha wadajirka ah ee ay sameynayaan ciidamada isku dhafka ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in isbadalka istaraatiijiyada AMISOM uu qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada ay ka sameeyeen deegaanada Shabeelaha Hoose oo Al Shabaab looga saaray tuulooyin dhowr ah.

Francisco Madiera, ayaa tilmaamay in deegaankaasi uu muhiim u ahaa Al Shabaab, islamarkaana hadda Al Shabaab ay ku adkaan doonto inay isaga kala gudbaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanka Sabiib ayuu sheegay inay Al Shabaab ka diyaarin jireen weerarada kala duwan oo Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ay ka fulin doonaan, balse hadda ay go’doon ku noqon doonaan deegaano dhowr ah, sida uu hadalka  u dhigay.

Tigabu Yilma oo kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in howlgalo kale oo lagu dhabar jibinayo Al Shabaab ay ka sameyn doonaan deegaanada Shabeelaha Hoose, isagoo xusay in qorshaha cusub uu qeyb ka yahay hanaan loo diyaariyay in loo wajaho Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this