Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Al-Shabab oo amar adag dul dhigtay maamulka hotel ay deganaayeen xildhibaano iyo madax kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)- Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle iyo madax kale oo ka tirsan maamulkaasi ayaa lagu amray inay isaga guuraan hotelka Suubiye ee ku yaal magaalada Jowhar, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay amar ku siiyeen maamulka hotelka in ay banneeyaan.

Maamulka hotelka ayaa u hoggaansamay amarka kasoo baxay Al-Shabaab, waxaana durbadiiba lagu wargeliyay xildhibaanada iyo madaxda kale ee hotelka deganaa in saacado gudahood isaga guuraan, iyadoo hotelka ay ku hareen dad tiro yar oo shacab ah.

Waxay xildhibaanada iyo madaxdii kale ee amarka Shabaab saameeyay ay u guureen hotelka kale ee lagu magacaabo Wehliye oo aan ka fogeyn halka uu ku yaal hotel Sabre.hotel-sabriye.jpgLama oga sababta amarkaan ka danbeyso iyadoo hotelka si weyn loo ilaalin jiray oo uu lahaa difaacyo dhagxaan iyo biro lagu gooyay, hase ahaatee warar hoose ayaa sheegaya in maamulka hotelka uu doorbiday inuu badbaadsado dhismaha iyo dhaqaalaha hotelka si aysan u dhicin weerar kaga yimaad Al-Shabaab.

Mudooyinkii u danbeeyay ayaa amaanka Jowhar cabsi laga muujinayay, iyadoo ay jiraan in Al-Shabaab ay howlgalo ka fuliyaan inta u dhaxeysa Jowhar, Qalimoow iyo degmada Balcad oo todobaadyadii lasoo dhaafay gaadiid fara badan ku gubay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this